Waa maxay Tijaabada DNA gu? Side ayaa looga shaqeeyaa?

Hadii aysan Jirin wax caddaymo ah in qoska yahay hal qoys, amaba xiriirka ka dhaxeeyo wax caddayn ah aanan loo heynin, Mararka qaar ayeye BFA du go aansataa in la qaado DNA inta badan   10 % ayaa laga yaabaa in ay dhacdo arintaas.

Marka la qaadayo Dhiiga, Qofka Austria ku nool ayaa laga qaadaa marka hore (dheecaanka) Shaybaar Austria ku yaallo. Shaybaarka ayaa u diraayo dheecaanka Safaaradda Austria ee dacwada laga xareeyey, Safaaradda ayaa Qoyska intiisa kale ooguyeerayso in laga Qaado isla dheecaanka, Qoyska waa in ay dhiigga ku maraan Safaaradda ama Dhaqtar ay Safaaradda u dirtay oo cayiman, labada dheecaan ayaa markaa Austria loo soo dirayaa, halkaas oo lagu caddayn doono natiijada.

Tijaabada DNA da waa in ay qoyska iska Bixiyaan qiimaheedu wuxuu gaari karaa ilaa 200 € Qofkiiba, hadii ay jawaabtu Bositif noqoto kadib marka ay reerku yimaadaan ayaa lacagta laga soo ceshan karaa BFA da, markaas ayaa codsi loo geysan karaa BFA da, Si lagaaga caawiyo arintaa fadlan la xariir la taliye.