Waa maxay Tijaabada- DNA eega?

Waxaa laga yaabaa in Xaakimka uusan aamin inaad Hal qoys ah tihiin. Kuma uusan rumaysanin. Waxaa lagaa qaadayaa DNA (dhiigga). DNA waxay caddaynaysaa xaqiiqda ah in Qoyska uu yahay hal qoys.

See loo qaadaa DNA ga?

Waxaad aadeysa Shaybaar.waxaad u baahantahay inaad Ballan qabsato. Shaybaarka waxay ka qaadayaan Afkaaga dheecaan yar. Shaybaarka ayaa Tijaabadaas u diraayo Safaaradda Austria. Qoyskaaga waa inay Safaaradda yimaadaan oo iyagana Laga qaado Dheecaankaas oo kale Afkooda.Safaaradda ayaa dib ugu soo diraysa Dheecaanada Shaybaarka Austria. Halkaas ayaana lagu ogaanayaa jawaabta.

Tijaabada-DNA ga qiimaheeda waa qiyaastii € 200 Qofkiiba. Tusaale waxaad rabtaa inaad Xaaskaaga iyo 3 Caruur ah soo Qaaddo Tijaabada- DNA ga waxay kugu gaari kartaa ilaa € 1000.

Waa inaad Adiga iska bixisaa DNA da:

Jawaabta waxay noqotay Bositif, Qoyskaaga waxay yimaadeen Austria? Hadaba Lacagta waa laguu soo celinayaa.

BFA da ayaa kaa rabto DNA inay kaa qaaddo? Fadlan la xariir la taliyahaaga.