Maxaa kale oo aan Samayn karaa?

Waxaad haysataa Fiiso ama Bositif? Qoyskaaga 3 Bilood gudahood kumaysan Xarayn Dacwadda Safaaradda? Hadaba xaaladdu way Adkaanaysaa, waa ina aad keentaa Cadaymaha soo socda Marka aad Austria joogto:

  • Waa inaadGuri daggantahay,
  • Waa inaad Shaqayso,
  • Waa inaad leedaha damaanadda caafimaadka.

 

Guriga:

Waa inaad haysato warqadda aad guriga ku kireysatay.

Guriga waa inuu yahay Guri wayn oo qaado Adiga iyo Qoyskaagaba. Dastuurkaa waddanka waxaa ku Qoran: Qofkiiba waa in uu helaa Bad dhan ugu yaraan 7 – 10m². Tusaale ahaan: Qoyska ka kooban 2 waalid iyo 3 Caruur ah waa in uu Dagaa guri dhan Qiyaas ahaan 50m2 .

 

Shaqada:

Lacag ayaa kaa soo gasho shaqada waxaana la dhahaa (Mushaar) waxaad rabtaa Inaad Qoyskaaga Austria Keento. Hadaba waa inuu isoo galo Mushaar cayiman. Hadaba waa imisa? Waxay ku xirantahay qiimaha kirada Guriga aad daggantahay Qoyskaaga inta qof uu yahay.

Tusaale: Xaas iyo 3 Caruur ah ayaa u dacwoon rabtaa. Hadaba waa inaad ku shaqayso qiyaas ahaan € 1750,-banaan. Waxaad rabtaa inaad ogaato inaad ku shaqayso lacag kugufilan

Inaad Qoyskaaga soo qaado, hadaba la xariir lataliye.

 

Damaanadda Caafimaad:

Waad Shaqaysaa? Hadaba si otomaatig ah ayaad u leedahay damaanad caafimaad ee Austria.

 

Ma shaqaysid ama Guri ma dagaid?

Saas oo ay tahay waxaa laga yaabaa inuu Qoyskaaga yimaado Austria, Fadlan la xariir la taliyie.