Maxaa laga rabaa in uu Qoyskayga sameeyo?

Qoyskaaga waa inuu tagaa Safaarad Austria leedahay, Waana in ay Safaaradda geeyaan Foomka dacwada Mideynta Qoysaska oo la buuxiyey(Waxaa lagu buuxinayaa Macluumaadka qoyska

Hadii waddanka uu Qoyskaaga joogo aysan Safaarad Austria leedaha ku oollin waxaad aadaa Waddanka kuugu dhaw oo ay Safaarad Austrian ah ku taallo.

 

Tusaale: Qoyskaaga wuxuu joogaa Suuriya, Halkaas hadda Safaarad Austria kuma taallo, Qoyskaaga wuxuu aadi karaa Lubnaan ama Jordan ama Turkiga.

 

Dacwada mideynta Qoysaska waa in laga Xareeyo Safaarad Austria leedahay. Qoyskaaga Safaarad waddan kale leeyahay kama uu Xaraynkaro Dacwada. Halkan hoose waxaad ka heleysaa lifaaqa Safaaradda.

 

Si ay Dacwada u xareeyaan Qoyskaaga wuxuu u baahan yahay in uu Ballan ka qabsado Safaaradda. Qoyska wa inuu Ballan qabsadaa, Safaaradda ayaa u sheegeyso waqtiga ay imaanayaan, Qoyska waa inuu tagaa isla waqtiga Ballanta loo qabtay mudada uu qaadanayo Ballanka ay safaaradda Qabanayso waa ay ku kala duwanyihiin Safaaradaha.

 

Waxaa kuu timid jawaab Bositif ah, laakiin Qoyskaaga 3 Bilood gudahooda Safaarad kuma tagi karaan? Hadaba Qoyska wuxuu oogu diri karaa (ugu xarayn karaa) Dacwada E-Mail  Safaaradda. La xariir fadlan qof kaala Taliyo.