Qoyskeyga waa ay tageen Safaardda Austria, maxaa xigo?

Safaaradda Austria waxay Dukumiintiyada usoo diri doontaa Wasaaradda Soogalootiga iyo Qoxootiga(BFA) ee Austria. Dukumiintiyada waxa qabanayo Xaakim. Waa isla Xaakimkii adiga Sharciga ku siiyay. Wuu la socdaa xaalkaaga.

 

Waa Macquul in Safaaradda qoyskaaga Afqaad la yeelato, waa macquul in adiga BFA Afqaad kula yeelato.BFA waa inay xaqiiqsataa inaad Hal qoys ah tihiin. Waad tusi kartaa BFA da Sawirro ama Caddaymo kale, waxaa laga yaabaa in BFA du ay idiin dirto adiga iyo Caruurtaadaba caddaynta DNA ee dhiigga.

 

BFA da go aan ayay gaaraysaa waxa ayna u diraysaa Safaaradda.

Safaaradda ayaa Qoyskaaga usheegeyo go aanka.

Go aanka wuxuu noqday Bositif? Qoyskaaga waxaa lasiinayaa Fiisaha dal ku galka. 4 Bilood ayay haystaan Qoyskaaga si ay Austria ugu soo duulaan.

 

Go aanka wuxuu noqday Diidmo? Safaaradda waxay u direysaa Qoyskaaga go aanka Diidmada ah.

Maxaa laga samayn kara go aanka diidmada ah?