Go aanka diidmada ah. Maxaa xigo?

Safaaradda Austria ayaa u dirayso Qoyskaaga go aanka diidmada ah? Kadib qoyskaaga wuxuu ka qaadan karaa abiil, waxaad haysataa oo kalia 4 isbuuc inaad abiil ka qaadato diidmada, waana in si dhaqso ah loo xareeyo abiilka.

Waxaa kuu yimid go aan diidmo ah? Hadaba sidi ugu dhaqsaha badan ula xariir la taliye.

Qoyskaaga ayaa xareeyey abiil ka dhan ah diidmada. Hadaba dhamaan dukumiintiyada waxaa loo diri maxkamadda sare ee Austria.halkaas waxaa kaga shaqayn doono Xaakim cusub, asaga ayaana ka gaari doono go aan cusub.