Maxima ay samaynayaan Qoyskeyga?

Qoyskaaga waa inay tagaan Safaarad ay Austria leedahay. Halkaas waa inay ka xareeyaan Dacwada Mideynta Qoysaska.

 

Meesha ay joogaan waalidiintaa malahan Safaarad Austrian ah? Hadaba waa inay waalidiintaa tagaan Safaaradda ugu dhaw ee Austria leedahay. Macquul ma ahan in Dacwada laga xareeyo Safaarad kale(tusaale: sida Safaaradda Jarmalka)

 

Tusaale: Waalidiintaa waxay ku noolyihiin Afgaanistaan. Halkaas kuma taallo Safaarad Austria leedahay. Dacwada Mideynta Qoysaska waxay ka xareyn karaan Safaaradda ku taallo Bakistaan ama Iiraan.

 

Dacwada Mideynta Qoysaska waa in laga xareeyo Safaaradda ay Austria leedahay. Safaarad kale(oo uu waddan kale leeyahay) lagama xarayn karo.

Lifaaqaan waxaad ka heleysaa dhamaan Safaaradaha Austria.

Si ay u xareeyaan Dacwada Mideynta Qoysaska waalidiintaa waxay u baahanyihiin in ay Ballan ka qabsadaan Safaaradda. Waa in ay Ballan qabsadaan. Safaaradda ayaa u sheegeyso waqtiga ay imaanayaan, Qoyska waa in ay yimaadaan waqtiga Ballanka loo qabtay. Mudada ay qaadanayso Ballanka waa ay ku kala duwanyihiin Safaaradaha.

 

Waalidiintaa waxay sugayaan Ballanka ay Safaaradda u qabatay, adigana hadda waad 18 jirsatay? Markaa waa in la dhaqsadaa. Qoyskaaga waxay dacwada ku xarayn karaa E-Mail ahaan ayagoo u diraayo Safaaradda. La xariir Lataliyahaaga ama Laanqeyrta Cas!