Dukumiintiya noocee ah ayey u baahanyihiin Qoyskayga?

1) Codsiga Mideynta Qoysaska.

2) Sharci.

3) Dukumiintiyo.

 

 

1) Qoyska waxay u baahanyihiin Codsiga Mideynta Qoysaska (Foomka la buuxiyo marka Dacwada la xaraynayo) waxaad heleysaa asaga oo Luuqado kala gadisan ku qoran. Waa Bilaash: Download

Qof walba oo Qoyskaaga kamida waa in uu buuxiyaa Foomka.Tusaale: Hadii aad soo qaadi rabto Hooyadaa iyo walaashaa kaa yar waxaad u baahan tahay 2 Foom.

Sida caadi ah Foomka ma ahan inaad Tarjunto.

 

2) Qofwalbo wuxuu u baahan yahay cadaymahan:

  • Baasaboor shaqaynayo.
  • Shahaado dhalasho. Iyo Shahaadadaada dhalasho.
  • Shahaadada Nikaaxa waalidiintaa.
  • 2 Teesaro (sawirka basaboorka)

 

3)Waa inaad Qoyskaaga u dirtaa Dukumiintiyadan:

  • Koobi Goaanka sharcigaaga (Bositiif ama Fiiso)
  • Koobi warqadda ciwaanka Degaanka.
  • Koobi Baasaboorkaaga ama Kaarka Fiisaha.

 

Dukumiintiyada aad ayey qaali u yihiin? Waa ay adagtahay, in la helo Caddaymahan? Waqti dheer ayay qaadanaysaa inta lagu soo saarayo dhamaan Caddaymahan?

Saas oo ay tahay waa in dhamaan Caddaymahan uu la yimaado Qof walbo.

Hadii aysan macquul ahayn in la helo dhamaan Caddaymahan, Fadlan la xariir Laanqayrta Cas.

 

Marka hore waa in ay qoyskaaga Dhamaan Dukumiintiyada iyo Sharciyada helaan. Kadib ayay Dacwada ka Furi karaan Safaaradda Austria.Qoyskaaga waa in ay dhamaan Dukumiintiyada Keenaan Safaaradda.

 

Qoyskaaga waxay tageen Safaaradda ayaga oo uu ka maqanyahay Dukumiinti.waxayna rabaan inay dib ka keenaan Dukumiintiga? Waa caadi laakiin: waqti dheer ayay qaadanaysaa.