Maxaa Xigo kadib Marka Austria loo soo Safro?

Marka uu Qoysku usoo safro Austria waa in ay diyaarsanaato meesha uu dagi lahaa, hadii aysan Qoyska la dagi Karin Qofkii Austria usoo qaaday waa in la raadiyaa macquul gal kale meel ay dagaan.

Kadib Marka ay yimaadaan waa in isla markiiba loo sameeyo Ciwaan, Warqadda Ciwaanka ayay qoska ku xaraysan karaan codsigooda magangalyada xarunta laga maamulo gobolka ee BFA da.

Kadib marka ay helaan magangalyada waa in qoyska loo xareeyaa lacagta Cayrta ee qofka Magangalya doonka ah la siiyo, waxay qaadan kartaa Bil wax ku dhaw inta go aan laga gaarayo sharciga qaybta qoyska kamida ee timid, inta waqtigaas lagu jiro waxay kasii qaadan karaan lacagta ay ku noolaanayaan laamaha kale ee Caawiyo Bulshada (wax u dhigma Cayrta) go aanka kuma xusna damaanad. Lacagta Cayrta waa ay ku kala duwanyihiin gobolada, waxaan kugula talin lahayn in aad raadsato la taliye marka uu qoyskaaga yimaadaba.

Qoyska yimid Austria ugu yaraan waxay qaadanayaan sharciga uu haysto qofka keenay, marka qofka qoyska u dacwooday uu haysto Magangalyo Buuxdo, qoyska yimidna waxay qaadanayaan isla magangalyo Buuxdo, Hadii Qofka Austria ooga dacwooday uu haysto Fiiso (ilaalinta gaarka ah) waxaa xataa macquul ah in lasiiyo qoyska Magangalyo Buuxdo hadii ay sabab sheegtaan.