Dukumiintiyadee ayaa loo Baahanyahay marka Dacwo la xaraynayo.

Waa in la Buuxiyaa Dacwada, – Foomka lagu xareeyo Dacwada Qoyska, si loo xareeyo. Qofwalbo waa in laga Buuxiyo Foomka.Foomka waa in hal Luuqad lagu buuxiyo, taas oo ay fahmayaan Qoyska loo dacwoonayo, sida caadiga ah looma baahno in la tarjumo Foomka dacwada lagu xarynayo, Foomka oo luuqadaha dhan ah waxaad ka heleysaa lifaaqaan: Bogga Wasaaradda Qoxootiga iyo Arimaha Soogalootiga BFA ayaad kala soo dagi kartaa.

 

Qof walba oo Qoyska kamida waxaa looga Baahanyahay Dukumiintiyadaa:

  • Baasaboor Shaqaynayo.
  • Sahaado Dhalasho.
  • Shahaado Nikaax.
  • 2 Sawir Teesaro.

 

Kuwaan kale waa inuu diraa Qofka Austria ku nool:

  • Koobiga waraaqaha sharciga(bositifka)
  • Warqadda Ciwaanka
  • Koobi Baasaboorka Qoxootiga ama Kaarka Aqoonsiga.

 

Mararka qaarno sida:

  • Waraaqda kirada Guriga
  • Caddaynta Dakhliga Billaha ah

Caddayta damaanadda Caafimaadka(E-kaarka)

 

Dukumiintiyadaan waa lagama maarmaan in la geeyo, hadii ay adagtahay in la wada helo sida, in ay soo saaristooda waqti dheer qaadanayso amaba aysan macquul ahayn in la keeno, waxaan kugula talin laha in aad la taliye la xariirto.

 

Waa mu hiim in si dhamaystiran loo xareeyo Dacwada.Hadii kale waxay Safaaradda go aansan kartaa habka la dhaho Nadaamka Dib u habaynta, hadii hal dukumiinti kaa dhinnaado waxaa lagu xiri karaa dacwada dhan.