Dukumiinti caynkee ah ayey u baahan yihiin qoyskayga?

1) Dacwada mideynta Qoyska(Foomka)

2) Sharci

3) Dukumiintiyo.

 

1) Qoyska wuxuu u baahan yahay Foomamka Dacwada Mideynta Qoysaska lagu xareeyo (Codsiga-iyo warqadda ay ku yaalaan Suaalaha mideynta Qoysaska) waxayna ku Qoranyihiin luuqado badan waxaad ku heli kartaa si Bilaash ah.

Qof walba oo Qoyska kamida waa inuu Foom Buuxiyaa, Tusaale: Xaaskaaga iyo 3 caruur ah ayaad soo qaadi rabtaa. Waxaad u baahantahay 4 foom ood ku codsato.

Sida caadiga ah ma ahan inaad Tarjunto Codsiga.

 

2) Qof walba wuxuu u baahan yahay Caddaymahan:

Baasaboor shaqaynayo.

  • Shahaado Dhalasho.
  • Shahaado Nikaax.
  • 2 Teesaro (sawirka inta hore)

 

3) Qoyskaaga waa inaad u dirtaa Dukumiintiyadaan.

Koobi warqadihii bositiifka (warqadaha laguugu ogolaaday sharciga ama fiisaha)

  • Koobi warqaddaaa ciwaanka (Meldezettel).
  • Koobi Baasaboorkaaga ama Kaarka Fiisaha.

 

Waxaad Heysataa Fiiso (sharciga austria ee Ilaalinta gaarka ah)

Hadaba waxaa kalood u baahan tahay:

  • Koobi Waraaqaha aad guriga ku kireysatay.
  • Koobi warqadda Mushaarkaa Bisha kuugu soo dhacay.
  • Koobi kaarkaaga caafimaadka(E-kaarka)

 

Waqti Dheer aya sugayaan Qoyskaaga jawaabta. Dacwada waxaad xaraysay 3 Bilood kadib?

Hadaba waxaa lagaaga Baahanyahay:

  • Koobi Waraaqaha aad guriga ku kireysatay.
  • Koobi warqadda Mushaarkaa Bisha kuugu soo dhacay.
  • Koobi kaarkaaga caafimaadka(E-kaarka)

 

 

 

Dukumiintiyada aad ayeye qaali kuugu noqdeen? Way kugu adkaatay, in aad Sharci hesho? Saas oo ay tahay waa khasab qof walbo in aad dhamaan dukumiintiyadaa keeno.

Macquul ma ahan in aad keento Dukumiintiyadaas dhan, Hadabo la xariir la taliye.

 

Marka hore waa in Dhamaan Qoyska Dukumiintiyada iyo Sharciyada helaan, Kadib ayay tagi karaan Safaarad Austria, Qoyska waa in uu dhamaan Dukumiintiyada geeyaa Safaaradda.

 

Qoyskaaga wuxuu tagay Safaardda, waxaa ka dhiman Dukumiinti? Qoyska waxay Rabaan inay dib ka keenaan Dukumiintiga ka dhiman? Waa caadi, laakiin: waqti dheer ayay Qaadan doontaa.