Goormeen keeni karaa Qoyskeyga Austria?

Waxaa lagu Siiyay Sharciga Magangalyada Austria? Hadda waad keeni kartaa Qoyskaaga. Qoyskaaga waa inuu aadaa hadda meel ay ku taallo Safaaradda Austria. Qoyska waa inuu sida ugu dhaqsaha badan u tagaa. Laga bilaabo maalinka lagu siiyay Ogolaasha Magangalyada, waxaad haysataa 3 Bilood Muddo ah, Intaas gudaheeda waa in uu Qoyska kaga xareeyaa Safaarad Austria leedaha Dacwada Mideynta Qoysaska.

Sadexdaas Bilood oo kalia ayay fududahay in la xareeyo Dacwada, Hadii ay dhaafto 3 Bilood way adkaanaysaa Dacwada.

Qoyska kuma tagi karo 3 Bilood Safaarad Austria leedahay? Hadabo waraaqaha Dacwadda waxaa la xarayn karaa ayadoo lagu diraayo Boosto ama E-mayl Waxaana kaa caawinaayo arintaas Laanqeyrta Cas.

 Waxaad Haysataa Fiiso(ogolaasho joogitaanka ilaalinta gaarka ah) ee Austria?

Waa inaad sugtaa 3 Sano.kadib ayaad Qoyskaaga Austria keeni kartaa.

 Wali go aan lagaama gaarin (waxad haysataa kaarka cad) ?

Hadii aadan wali jawaab helin ma keeni kartid Qoyskaaga Austria. Ma xarayn kartid Dacwadda Mideynta Qoysaska.