Goormeen keeni karaa Qoyskeyga Austria?
Waxaan ahay … Qaxooti
Waxaa lagu siiyay sharciga magangalyada Austria?
Hadda waad keeni kartaa qoyskaaga. Qoyskaaga waa inuu hadda aadaa safaarad Austria leedahay. Qoyska waa inuu sida ugu dhaqsaha badan u tagaa. Laga bilaabo maalinta lagu siiyay oggolaanshaha magangalyada, qoyskaagu wuxuu haystaa ugu badnaan 3 bilood. Intaas gudaheeda waa inuu qoyskaagu safaaradda kaga xareeyaa dacwadda mideynta qoysaska.
Saddexdaas bilood oo keliya ayay fududahay in la xareeyo dacwadda; haddii ay dhaafto 3 bilood way adkaanaysaa dacwaddu.
Qoyska kuma tagi karo safaaradda 3 bilood gudahood? Haddaba codsiga mideynta qoysaska waxaa loogu diri karaa safaaradda boosto ama e-mayl. Waxaana arrintaas kaa caawinaya Laanqeyrta Cas.
Waxaad Austria ka haysataa oggolaanshaha ilaalinta hoosaadka?
Waa inaad sugtaa 2 sano. Kadib ayaad qoyskaaga Austria keeni kartaa.
Weli ma dhammaan habraacaaga magangalyada?
Weli go’aan lagama gaarin codsigaaga. Hadda ma keeni kartid qoyskaaga Austria. Hadda ma xarayn kartid dacwadda mideynta qoysaska.