Logo des Österreichischen Roten Kreuzes

Goormee aya suuragal tahay Mideynta Qoysaska?

Waxaan ahay … Taageere

Marka loo aqoonsado qofka qoxootinimo, isla markaasba waa uu bilaabi karaa dacwadda uu qoyskiisa ku soo qaadanayo. Dacwadda waa in xubnaha qoysku xareeyaan inta lagu guda jiro 3-da bilood ee ugu horreysa kadib marka la helo go’aanka oggolaanshaha. Kaliya haddii dacwadda lagu xareeyo 3 bilood gudahood looma baahna in la caddeeyo dakhliga, hoyga ama caymiska caafimaadka.

Haddii aysan suurtagal ahayn in dacwadda shaqsi ahaan loo xareeyo 3 bilood gudahood, waxaa sidoo kale macquul ah in dacwadda qoraal ahaan loogu gudbiyo Safaaradda. Wixii macluumaad dheeraad ah waxaad kala xiriirtaa Laanqeyrta Cas.

Wixii macluumaad dheeraad ah waxaad kala xiriirtaa Laanqeyrta Cas.

Qofka haysta ilaalinta kaabista waa inuu sugaa 2 sano laga bilaabo markii ugu horreysay ee la siiyo ilaalinta kaabista, ka hor inta aysan qoyskiisu codsi gudbin karin.

Inta uu qofku ku jiro habka magangalyo-doonka oo uusan weli haysan xaalad ilaalin ah, ma suurtagasho inuu qoyskiisa keeno Austria.