Waa maxay waxyaalaha kale ee loo baahnaan karo?

Waxaad haysataa Fiiso, waxaadna rabtaa inaad Qoyskaaga soo qaadato, amaba Qoyska waxay Codsiga xareeyeen markay ka dhamaatay 3 dii Bilood ee u Horreysay, waxaa loo Baahanyahay waxyaalo kale oo dheeraad ah sida:

Guri:

Waa inaad Caddaysaa in aad Si sharci ah hoy ka daggantahay Austria,kaas oo ku filan Qoyska aa rabto inaad Austria usoo Qaaddo,Xaqa sharciga ee guriga wuxuu ku xusanyahay Warqadda aad gurika ku kireysatay, Guriga waa inuu sida caadiga ah Qiyaas yahay, majirto Tiro cayyiman oo Mitir labajibaaran ah, lakiin waxaa lagu qiyaasaa in Qofkiiba ku filantahay ku dhawaad 7 – 10m .

Dakhli:

Qofka Austria ku nool waa in uu ahaadaa qof shaqeeyo oo ay soo gasho bil walba Dakhli cayyiman. Qiimaha ay la egtahay lacagta lagarabo waxay ku xirantahay Tirada dadka uu u Dacwoonayo, iyo qiimaha kirada guriga uu dagganyahay, lacagta Cayrta looma tiriyo inay tahay dakhli.

Tusaale: qoys ka kooban 5 qof (labada waalid iyo 3 Caruur ah) lacagta go an ee soo gasho waa inay ahaataa Qiyaas ahaan 1.750 €

Lacagta laga raba qofkiiba waxaad talo ka weydiisaa la taliye.

Damaanadda Caafimaad:

Qof walba waa in uu leeyahay Damaanad Caafimaad, Tani waa xeer u yaallo dhamaan dadka shaqeeyo.

 

Waxaa jiro xaalado gaar ah oo aan qofka ku waajibyeeleyn inuu Buuxiyo dhamaan shuruudahaan si uu usoo qaado Qoyskiisa, waxaad la xariirtaa oo aad talo weydiisataa Lataliye.