Sidee loo xareeyaa dacwada Mideynta Qoysaska?

Qaybaha Qoyska ee ku nool dibadda Austria waa inay dacwadda Mideynta Qoysaska ka xareeyaan Safaarad Austria leedahay,

Hadii aysan Safaaradda Austria ku ooillin waddanka ay ku noolyihiin waxay ka xarayn karaan Safaaradda Austria ee waddanka oogu Dhaw, Halkaan waxaad ka heleysaa Safaaradaha Austria ee dibadda.

Nadaamka waa in Ballan laga Qabsado Safaarad walba, Safaaradaha qaar waxaa looga Qabsan karaa Ballanka si Online ah. Xilliga sugitaanka way kala duwan yihiin waxay qaadankartaa xataa Bilooyin.Qofwalba oo Austria usoo socdo waa inuu si shaqsi ah Safaaradda u tago, xataa Caruurta.

Hadii waqtiga aad ballanka sugayso ay kaa dhamaanayso 3 da Bilood (sida kor kuxusan) waxaad Dacwada ku xarayn kartaa si Qoraal ah, Dacwada Qoraalka ah waxaan kugula talineynaan inaad hesho Lataliye.