Goormee aya suuragal tahay Mideynta Qoysaska?

Marka loo aqoonsado Qofka qoxootinimo, isla markaasba waa uu bilaabi karaa dacwada. Inuu soo qaado Qoyskiisa.Dacwada waa in la xareeyo inta lagu guda jiro 3 da Bilood ee ugu horreysa Kadib marka uu qaato Sharciga. Oo kalia saddexda bilood ee ugu Horreysa gudahooda waa in la cadeeyaa dhakhliga iyo damaanadda caafimaad markii dacwadda la xaraynayo.

Hadii aysan macquul ahayn in uu qoyska tago Safaaradda si uu dacwada ooga xareeyo waxaa macquul ah in lagu xareeyo qoraal ayadoo la adeegsanayo E-Mail loo diraayo Safaaradda, wixii macluumaad dheeraad ah waxaad kala xariirtaa Laanqeyrta Cas.

 

Qofka Fiisaha Haysta waa in uu marka hore 3 sano Haysto Fiisaha laga soo billaabo maalinkuu qaatay, markaas kadib ayuu xarayn karaa Dacwada mideynta Qoysaska.

 

Inta uu qofka ku jiro habka magangalyo doonka ah ee uusan heysan sharci mau u xaraynkaro Dacwada Mideynta Qoysaska.