Waa sidee Habusocodka dacwada?

Safaaradda Austria waxay qabanaysaa dhamaan Dukumiintiyada kadiba waxay usoo wareejinaysaa wasaaradda Arimaha qoxootiga iyo Soo galootiga ee BFA Austria.

 

BFA da Austria ayaana go aan ka gaareyso Dacwada.Xeerka waa Maareeyaha gobolka iyo Masuulka dacwadaada ee kaa gaaray go aankaagi qaxootinimo ayaa dacwadaanno go aan ka gaarayo,BFA du waxay baaraysaa Dacwada in ay Hal qoysyihiin dadka isu dacwoonayo,Mararka qaar BFA du waxay Afqaad la yeelataa qofka Austria ku nool.Ayagoo wax ka weydiinaayo Habkii wada noolaasho ee Qoyska, Waxaa macquul ah in Safaaradu Qoyska Interfiyuu la yeelato, Si ay u cadeeyaan in ay Qoys wada noolaa yihiin.In Sawirro Caddayn ah la keeno mararka waa macquul. BFA du waxaa laga yaabaa inay qaadoo Tijaabada Dhiiga DNA.

 

Kadib baaritaan ay samaynayso wasaaradda Qaxootiga iyo Soogalootiga laanteeda la didirka Argagaxisada, Go aanka BFA da waxaa loo dirayaa Safaaradda Austria.Hadii uu yahay go aanka ogolaasho, Safaaradda waxay siinayaa Qoyska Fiisaha dalku galka ee Austria,Fiisaha wuxuu kuu shaqaynayaa ilaa 4 bilood.waa muhiim Marka aad Austria usoo Safrayso inaad wadato Baasaboor shaqaynayo,Hadii aysan macquul ahayn inaad hesho Baasaboor waxaan kugula talinaynaa inaad la xariirto la taliye.

Safarka ay Qoyska ku tagayaan Safaaradda iyo Safarka ay ku Soo aadayaan Austria waa in ay Qoyska ayaga iska Bixiyaan. Fiisaha waxay ku helayaan lacag la aan.

Hadii go aan diidma ah loo diro Safaaradda ayaa u sheegi doonto Qoyska.