Yaa imaan karo?

Qoyskaaga oo kalia ah, kuwaas oo ah Xaaskaaga/Seygaaga iyo Caruurtaada aan qaangaarin ee kayar 18 sano.

Hadii qofka Austria ka dacwoonayo uusan wali Qaangaarin wuxuu keeni karaa waalidiintii iyo walaalihii aan wali Qaangaarin.

 

Lamaanaha waa in ay isguursadeen ka hor inta uusan midkood kasoo tagin Waddankiisi, Hadii uu qofku xaasas badan leeyahay waxaa loo ogolyahay oo kalia inuu keensado hal xaas.

 

Xilliga laga xaraynayo Dacwada Safaaradda Caruurta waa in ay ka yaryihiin da da Qaangaarka.hadii inta ay dacwada socoto ay qaangaaraan waa ay imaan karaan Austria.Caruurta waa in aysan reer lahayn si loo soo qaado.

 

Waalidiinta waa in ay Caruurtooda aan qaangaarin isa soo raacaan marka ay Austria imaanayaan (kuwa la dhashay Cunuga Austria ooga dacwoonayo) Hadii ay waalidiintu dhinteen ama aanan la haynin xiriirkooda lama soo qaadi karo caruurta kula dhalatay oo kalia.

 

Qoyska intiisa kale sida(Cunuga Qaangaarka ah,Waalidiinta cunugoodu Qaangaaray,Awoowo/Ayeeyo, Eedo, Abti, Adeer Ilma adeero, iwm) Looma soo qaadi karo Austria.